Maxaa iska badalay dhaqanka Soomaalida?
Dhaqanka Soomaalida ayaa waxaa la sheegaa in sanooyiinkii ugu dambeeyay uu wax badan iska badalay.
Haweenka Soomaaliyeed waayadii hore waxa ay lahaayeen door ay ka ciyaar jireen qoyska iyo howlo dumarka u gaar ahaa.
Balse taasi imika way isbadashay waxa ay dumarka kaalin mug leh ka gaystaan qaybaha kala duwan ee noolsha' waxa ayna ku talaabsadeen hormaro dhinacyo badan ah.
Wariyaha BBC ee Jigjiga ayaa la kulmay Caasha Muuse Diiriye oo isbarbar dhig ku samaynayso kaalintii ay dumarka ku lahaayeen bulshada iyo hadda isbadalka ku yimid iyada oo sidoo kale tix ka tirisay isbadalkaasi.