Dagaal ciidammada Soomaaliya iyo Shabaab ku dhexmaray Moqokori

Xigashada Sawirka, Radio Muqdisho
Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa saaka dagaal kula wareegay deegaanka Moqokori ee gobalka Hiiraan oo ay gacanta ku hayaan ururka Al-Shabaab.
Muddo kooban kadib waxaa magaalada qabsaday ciidamada dawladda sida ay BBC-da u sheegeen dadka deegaanka.
Taliyaha guutada 52-aad ee ciidamada milatariga Soomaaliya Janaraal Axmed Maxamad Taradisho ayaa BBC-da u sheegay inay dagaalka ku dileen afar ka tirsan Al-Shabaab.
Illaa iyo hadda Al-Shabaab kama aysan hadlin dagaalkan, mana jiraan illo madax bannaan oo ka hadlaya khasaraaha dagaalka ka dhashay.
Goor dambe oo maanta ah ayay ciidamada dawladdu dib uga laabteen Moqokori sida illo madaxbannaan ay xaqiijiyeen, waxana dib ugu laabtay ciidamadii Al-Shabaab ee laga saaray.








