'Afrika ayaa dunida ugu musuqmaasuq badan'

Dibad baxayaal

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Muddaaharaadayaal Nairobi isugu soo abxay oo diidan musuqmaasuqa

Hay'adda la dagaallanto musuqmaasuqa ee Transparency International ayaa dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika ku qiimeysay kuwa ugu musuqa badan caalamka.

Labo ka mid ah dalalkaas waxaa ka taagan xasillooni darro - Somaliya iyo Sudan waa kuwa ugu sareeya diiwaanka musuqmaasuqa.

Hay'adda oo fadhigeedu yahay Jarmalka ayaa soo saartay qiimeytii musuqmaasuqa ee 2017kii, waxay sheegtay inta badan dalalka caalamka aysan iskuba deyin ama waxyar ayka sameeyeen sidii musuqa loo soo afjari lahaa.

Warbixinta oo lagu qiimeeyay 180 dal iyo dhulal kale waxaa lagu saleeyay aragtida qeybta ganacsiga iyo midda khubarada, waxaana lagu kala qiimeynayay 0 illaa 100. Eberka wuxuu ka dhigan yahay musuqmaasuq aad u ba'an, 100na musuq la'aan.

Sannadkan, New Zealand iyo Denmark waa kuwa ugu musuqa yar waxayna kala heleen 89 iyo 88 boqolkiiba. Suuriya waxay heshay 14, South Sudan 12, Soomaaliya 9, taas oo seddaxdan dal ka dhigay kuwa ugu daran Musuqa.

"Dalalka ugu wanaagsan ee isbedelka sameeyay waa kuwa ku yaalla Galbeedka Yurub oo isku celcelis ahaan helay 66 boqolkiiba.

Sidoo kale waddamada Bariga Yurub iyo bartamaha Aasiya ayaa ka mid ah kuwa ugu hooseeya.