Maxaabiis Soomaali ah oo Liibiya laga soo daynayo
Waxaa Muqdisho dhawaan la keenay dhallinyaro Soomaali ah oo laga soo daayay xabsiyada dalka Liibiya. Dowladda soomaaliya ayaana hadda guddi u saartay howsha soo daynta maxaabiista Soomaalida ee Libiya ku xiran.
Danjiraha Soomaliya u fadhiya Midowga Yurub ayaa ka mid ah mas'uuliyiinta ay dowlada Soomaaliya howsha u xilsaartay. Tripoli ayuu hadda joogaa. Cabdirisaaq Xaaji Catoosh ayuu u warramay.