Gabdhaha ‘la nacay’ ee Hindiya oo gaaray 21 milyan

.

Xigashada Sawirka, AFP

Waalidiinta doonaya in ay dhalaan wiilasha, islamarkaasna neceb gabdhaha ayaa dalka Hindiya ka abuuray in ay dhashaan illaa 21 milyan gabdhood oo aanan la rabin.

Wasaaradda maaliyadda Hindiya ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in waalidiinta ay dhalmada ilmaha waddaan illaa ay wiil ka heleyaan.

Cilmi baarista ay qortay wasaaradda ayaa sidoo kale lagu sheegay in bulshada Hindiya ay ka maqanyihiin 63 milyan oo dumar ah, taas oo ka dhalatay in waalidiinta ay gabdhaha ka door bidaan wiilasha.

Baaritaanka dumarka uurka leh ay isku sameeyaan si ay u ogaadaan jinsiga ilmaha caloosha ku jira lab iyo dhedeg waxa uu yahay ayaa mamnuuc ka ah dalka Hindiya, balse wali si hoose ayay dadka isu baaraan, waxayna horseeddaa in ay ilmaha iska soo ridaan haddii ay gabadh noqoto.

Qoraalka Codka, Akshay Kumar oo ka hadlay xaaladda Soomaaliya iyo filmka cusub ee Padman

Qaar ka mid ah sababaha wiilasha loo jecelyahay ayaa waxaa ka mid ah waxyaabo dhaqanka la xiriira sida in wiilasha uun ay hantida dhaxlaan, iyo in qoyska gabadha ay bixiyaan gabaatiga marka la guursanayo, iyo gabdhaha oo guriga ninkeeda u wareegta marka la guursado.

Arrimahan dhaqanka la xiriira ayaa waxa ay xitaa horseedeen in wargeysyada qaar ay soo qoraan siyaabaha wiilka lagu dhali karo oo quraafaad ah, sida in galbeedka loo jeedsado marka la seexanayo, maalmo gaar ahna laisu galmoodo.

Gobolada ay arrintan aad u saameysay waxaa ka mid ah Punjab iyo Haryana, halkaas oo tusaale ahaan wiilasha 7 sano jira ee dhan 1,200 ay ku aadi karaan 1,000 gabdho oo da'daas jira.