Tartanka quruxda Geela oo lagu qabanaayo Sacuudiga
Dalka boqortooyada Sucuudiga waxa lagu qabanayaa tartar la xidhiidha quruxda geela, Mulkiilaha qaalmaha iy owrta ku guuleysata quruxdaas ayaa abaal marin la siin doonaa.
Tartankaasi quruxda ayuu garsooruhu uu ku saleeynayaa neefka geela ah joogiisa, faruuryaha ,daamanka iyo jilbaha. Qaar aya tartanaka laga saaray markii ay waxyaabah lagu qurxiyo ay u isticmaaleen geelaasi taratanka galaayey.
Dhinaca kale Soomaalidu waa jaaliyada caalamka geela ugu badan ku dhaqata, waxa isa soo taraya reer magaalka iyo qurbe jooga geela dhaqda.
Weriyaha BBC-da Cabdixaafid Cawil Ismaacil ayaa khadka tilifoonka baadiyaha ka baxsan Hargeisa kula xidhiidhay Mustafe Cali Deeq oo markii hore magaalada deganaa laakiin geel dhowr tiro ah dhaqdey.
Waxa uuna weydiiyey sababta uu geela u dhaqdey iyo waliba bal haddii uu ka mid noqon lahaa xeerbeegtida xulaya quruxda geelaas sucuudiga lagu eegayo quruxdiisa waxyaabaha uu ku xulan lahaa?.