Madaxweynaha wuxuu qasab igu siiyay "daawo dhireedkiisa ee HIV"

Yahya Jammeh administering his herbal anti-HIV paste in 2007

Xigashada Sawirka, EPA

Hoggaamiyihii hore ee dalka Gambia Yahya Jammeh, oo 20 sano xukumayay dalkaasi, ayaa lagu eedeey xadgudubyo ka dhan ah aadanaha.

Balse waxa ugu yaabbadan ayaa ah in uu kumannaan qof uu ku qasbay in ay qaataan daawidiisa dhaqanka ee uu ku daaweeyn jiray cudurka HIV. Dad badan ayaa u dhintay, sida uu sheegay Colin Freeman.

Qofkii ugu horeeyay ee dalka Gambia oo si rasmi ah u shaaciyay in uu qabo xannuunka HIV, Lamin Ceesay wuxuu sheegay in uu aaminsan yahay in uu tallaabo sax ah qaaday.

Waxay ahayd sannadkii 2000, xilligaas oo dadka Afrika aysan aqoon badan u lahayn HIV, waxayna ahayd xilli ay dadka qaba xannuunka ay la kulmi jireen faquuq iyo nacayb.

Maalintii Aidska dunida ee sannadkaasi, Ceesay wuxuu la soo baxay dhiirranaan wuxuuna ka qeybgalay dibadbaxyo oo ay qabanqaabisay hay'ad uu isaga sameeyay.

Waxay ku heshay in ololeeyayaasha caalamka oo dhan ay xushmeeyan. Laakiin sannado ka dib waxay isagii xitaa u soo jiiday dareenka madaxweynaha Gambia, Yahya Jammeh.

Horraantii 2007dii, Jammeh wuxuu ku dhawaaqay in uu soo saaray dawo mucjiso ah oo uu ku daweynayo caabuqa HIV. Wuxuu sheegay in uu isticmaalay daawo dhireed lagu daray tahliil.

Waxaa kale oo uu xilligaasi sheegay in daweynta ay shaqeyneyso maalmaha Isniin iyo Khamiis oo keli ah.

layaab ma ahayn in khubarada caafimaadka ee dunida ay si degdeg ah u khilaafeen arrintaas oo ay ku tilmaameen midda ugu halista badan caalamka.

Laakiin, dadkii joogay gudaha Gambia xilligaas ka maysan hor imaan karin dawada madaxweynaha, qofkii iskudeyana wuxuu ku dambeyn jiray xabsi.

Balse markii hay'addii Ceesay ay soo gaartay casuumaad kaga timi madaxweynaha, oo lagu weydiistay in 10 qof oo ka qeybgala tijaabada koobaad ee barnaamijka daweynta lixda bilood uu keeno, wuxuu go'aansaday in casuumaadda ay tahay dalab uusan diidi karin.

Lamin Ceesay
Qoraalka sawirka, Lamin Ceesay waxaa lagu qasbay in uu joojiyo dawadii kale ee uu isticmaalayay

"Waxaan ku fikiray in dadka kale un aan u diro barnaamijka, balse waxaan ka baqay haddii aniga aanan qeyb ka noqon in aan dhibaato kala kulmi karo," ayuu yiri. "Waxaa kaloon ku fikiray, maxay tahay sababta? Qofna ma dhibaateyn karo."

Halkaas waa meesha uu Ceesay ka qaldamay. Markii uu tagay xaruntii caafimaad ee madaxweynaha uu ku dhisay madaxtooyada waxaa loo sharaxay xeerarka mashruuca.

"Sigaar lama dhuuqi karo, shaah iyo kafee lama cabi karo. Galmo lama ogola. Waxaana muhiim ah in aan la isticmaali karin dawada kale sida midda loogu talagalay HIV ee dhaqaatiirta kale ay bixiyaan, ayaa loo sheegay.

line
line

Wixii xilligaa ka dambeeyay lama taageersanayn dawada mucjisada ah. Ilaaladiisa gaarka ah ayaa xarunta soo degay waxayna istaageen albaabada. "Lixda bilood ee soo socota ma jiro bukaan bixi karo isagoo aan haysan fasaxa madaxweynaha."

Halkaas ayey daweynta ka billaabatay. Subax kasta madaxweynaha wuxuu bukaannada u marin jiray wax cagaaran isagoo Quraan akhrinaya.

Maalintii, laba goor ayuu sameyn jiray sidaas, waxayna cabi jireen daawo dhireed, midab jaalla ah leh. Jammeh wuu diiday in uu sharaxo waxa ay ka sameysan tahay.

Yahya Jammeh waving the Koran over an HIV patient in 2007

Xigashada Sawirka, EPA

Waxkastoo ay ahaataba, Ceesay wuxuu sheegay in uu aad ugu fuuqbaxay. Sidoo kale wuxuu tiibisho ka qaaday bukaan kale, aad ayuuna u daciifay waxaana loo qaaday cisbitaal kale. Tijaabadii lagu sameeyay waxay muujisay in caabuqa HIV-ga ee jirkiisa ku jiray uu sii faafay, waxaana dib loogu billaabay dawo cusub.

Ceesay wuxuu ka mid ahaa dadkii nasiibka lahaa. Xaaskiisa, oo sidoo kale HIV qabtay, waxay dhimatay intii daawo dhireedka la siinayay, sidoo kale waxaa dhintay dad badan oo ka mid ahaa kuwii la siiyay, sida uu sheegay.

"Maadaama aan ahaa xubin sare oo ka tirsan kooxda HIV-ga, waxaan si joogto ah u tagi jiray aasas," ayuu yiri.

Balse sidaa ma ahayn muuqaalkii uu madaxweyne Jammeh dadka u sheegayay, inkastoo mar warbaahinta ay si wayn uga hadleen arrinta, haddana wuxuu dad horgeeyay TV-ga qaranka Gambia isgoo guul sheeganaya.

Dadkaasi waxaa ka mid ahaa Ousman Sowe, kaas oo haysta shaaho jaamacedeed oo culuumta caafimaadka ah, wuxuuna ka soo baxay jaamacadda Leeds ee Britain.

Isagoo filayay in barnaamijka ka dhigo mid cilmiyeysan, Jammeh wuxuu afhayeen uga dhigay Sowe, si uu meesha uga saaro shakiga ay muujinayeen saxafiyiinta kale ee caalamka.

Waxaa jirtay mar uu Sowe BBC-da u sheegay in "100% uu ku kalsoon yahay" daweynta madaxweynaha. Wuxuu sheegay in dawadiisii ARV-ga uu joojiyay oo daciif ay ka dhigtay, markii uu qaatay midda madaxweynahana uu xitaa awood u yeeshay in uu jaranjaro ka boodo.

"Qof waxbartay ahaan, waan ogaa in wax jiro aysan ahayn," ayuu Sowe isa soo xusuusiya. "Laakiin wax mashruuca ka dhan ah ma sheegi karin, inkastoo dadka xitaa ay dhimanayeen."

Ousman Sowe
Qoraalka sawirka, Ousman Sowe iyo dad kale oo badbaaday waxay doonayaan in Jammeh cadaaladda la hor keeno

Sowe iyo asxaabtiisii kale ee bukaannada ahaa waxay hadda ka shaqeynayaan ololaha "Duni ka Caafimaad qabta Aidska" kuwaas oo doonaya in Jammeh cadaaladda la horkeeno. Waxay ku doodayaan in barnaamijkaasi uu ka mid yahay kuwii ugu darnaa ee xadgudub uu ku geystay madaxweynaha.

Si aan ahayn xabsiyada sida qarsoon loogu jirdilay dadka, mashruucan wuxuu la kulmay baaritaanno badan. Jammeh ma dooneyn arrintaas. Sarkaal sare oo Qaramada Midoobay ka tirsanaa oo muujiyay shakiga uu ka qabay arrinta ayaa dalka Gambia xoog looga saaray.

Dhammaadkii barnaamijka waxaa la aaminsan yahay in 9,000 oo qof la daaweeyay, inkastoo Jammeh uu qariyay diiwaanka dadkaasi. Ma jiro qof sheegi kara tirada rasmiga ah ee ka mid ahayd 9,000 ee dhimatay intii la siinayay daawo dhireedka.

Hal dhinac ayaa hadda muuqda, inkastoo "mucjisada" keli ah ee daweyntiisa ay tahay in la isweydiiyo in qof un uu badbaaday.