Farmaajo oo Gaalkacyo gaaray

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo, isagoo beryahan socdaal ku marayey deegaanno ka tirsan maamulka Puntland.
Wararku waxay sheegayaan in shacabka labada dhinac ee Gaalkacyo ay soo wada dhoweeyeen madaxweyne Farmaajo oo la filayo in isaga iyo wafdigiisa ay caawa halkaa ku hoydaan.
Isu socodka gaadiidka ayaa aad u yaraa, ayadoo iskuullada iyo meheradaha ganacsigana ay intooda badan maanta xirnaayeen.
Ciidan ka kala socday waqooyiga iyo koofurta Gaalkacyo ayaa la sheegay in ay si wadajir ah u sugayeen amniga.
Berri ayaa lagu wadaa inuu u gudbo Mr Farmaajo koofurta Gaalkacyo, halkaasoo la sheegay inuu joogi doono ilaa habeen dambe, ka hor inta uusan Isniinta u ambabixin magaalada Cadaado.
Halkan hoose ka dhegeyso Khudbaddii uu Farmaajo ka jeediyey Gaalkacyo
Halkan ka daawo sawirrada













