Indonesia oo digniin ka soo saartay Foolkaanaha buurta Agung

Dayaaradaha ayaa loo soo saaray "digniinta cas" ee la xiriirta khatarta dambas foolkaane ka soo baxay oo samada isku shareeray meel u dhow Bali, ka dib markii buurta Agung ay soo tuftay qiiq cirka ku shareeran 4000 oo mitir.
Waa markii labaad ee buurta ay sii deyso qiiq iyo dambas todobaad gudihiis, duullimaadyo ayaana wax laga beddelay jadwalkooda.

Xigashada Sawirka, Reuters
Maamulayaasha waxay bilaabeen inay dadka u qaybiyaan qalab wajiga la gashto oo dadka ka ilaalinaya in ay dambas neefsadaan.
Bali waa meel loo dalxiis tago, inkastoo meelaha xeebaha ee dalxiisayaashu tagaan ee Kuta iyo Seminyak ay Foolkaanaha u jiraan 70 KM.

Xigashada Sawirka, ANTARA FOTO/WIRA SURYANTALA VIA REUTERS
Madaarka ugu weyn jasiiradda ayaa si caadi ah u shaqaynaya, laakinse shirkadaha dayaaradaha qaarkood ayaa joojiyey duullimaadyadii.
Dambaska ka soo baxa foolkaanayaasha ayaa dhaawac u gaysan kara matoorrada dayaaradaha.
Daruuraha dambaska ah waxaa la sheegay inay u socdaan jihada bari ee dhanka jasiiradda Lombok, garoonka dayaaradaha ee halkaa ku yaallana waa la xiray.






