Hargeysa:Hooyo haa tahriibin

Qoraalka Codka, Hargeysa:Hooyo haa tahriibin

Nin dhalin yaro ah oo ku nool magaalada Hargaysa oo la yidhaa Axamed Ismaaciil Xaashi, ayaa ka waramaya sida uu uga noqday hammi uu muddo dheer ku taami jiray oo ahaa inuu Yurub u tahriibo.

Axmed haatan waxa uu ku shaqaystaa taxi u adeega dadweynaha Hargaysa waxaanu sheegay in waxa fikirkiisii bedelay ahayd dhacdo xanuun badan oo qudhiisa saamaysay oo ahayd in saaxiibkii iyo ina adeerkii oo socdaal tahriiba galay ay badda ku qarraqmeen oo weliba midkood uu lacagtuu isagu ku tahriib is lahaa magaffe kaga furfuray.

Weriyaha BBC-da Bashkas Jugsoo dhacay ayaa Hargaysa kula kulmay sheekadii dhex martayna sidatan bay u dhacday.