Lix arrimood oo laga bartay muuqaalka askerigii ka baxsaday K/Waqooyi

Qoraalka Muuqaalka, Muqaalka cajiibka ah ee askariga baxsanaya Kuuriyada Waqooyi

Waxaa la baahiyay muuqaal aan caadi ahayn oo laga duubay askarigii Kuuriyada Waqooyi dhawaan uga baxsaday dhanka xadka.

Tariikhdu markay ahayd 13kii Nofembar askari ayaa gaari u eryay dhanka Koonfurta Kuuriya isagoo la rasaasaynayo.

Goobta uu ka tallaabay ayaa ka tirsan xadka uu dhererkiisu yahay 250km, goobtaas oo ah midda kali ah ee ay askarta labada dal iska arki karaan.

Waxay ku taallaa tuulada Panmunjom oo caan ku ah dalxiiseyaasha Kuuriyada Koonfureed.

Ciidammada Qaramada Midoobay ee dusha kala socda xaaladda milatari ayaa sheegay in muuqaalku uu muujiyay in si cad loogu xad gudbay xadkii la jeexay dagaalkii Kuuriya ka dib, iyadoo ciidammada Kuuriyada Waqooyi ee rasaasta furayay ay ka tallaabeen xadka.

Waxayna sidoo kale soo bandhigeen muuqaal naadir ah oo muujinaya wixii dhacay intii uu askarigu baxsanayay iyo sida labada dhinac ay xaaladda u maareeyeen.

Askarigii baxsaday ayaa ku sigtay in la qabto

Marka la fiiriyo muuqaalka la soo duubay, waxaa laga arki karaa askariga aan caadiga ahayn oo ka badbaadaya baxsashadiisa calool adayga leh.

Askarta Kuuriyada Waqooyi ayaa ilbiriqsiyo gudahood ku soo gaaray markii uu gaariga ka dagay ee uu cagahiisa ku baxsaday. Waxayna billaabeen in ay toogtaan iyaga oo aad ugu dhaw.

Jidka ayuu dhanka kale uga tallaabay askarigu wuuna ku dhacay meel dhawr mitir u jirta.

Waxaa la arkay askariga baxsaday oo goobtan yaalla

Xigashada Sawirka, UN Command

Qoraalka sawirka, Waxaa la arkay askariga baxsaday oo goobtan yaalla

Ma jirin darbi ama wax kale oo xanibayay askariga baxsadka ah

Gaarigiisa ayaa u muuqda in uu ka soo durkay wax u muuqdo jidgooyo u taalay Kuuriya Waqooyi, isaga oo dhanka xadka u soo cayriyay ka hor inta uusan cagihiisa ugu baxsanin dhanka Koonfurta.

Xadka gaariga ayuu kaga gudbi lahaa haddii uusan ka ciladoobi lahayn, markaas oo la sheegay in uu taayir ka banjaray.

Guriga xoriyadda yaa ah dhisme laga dhisay dhanka Waqooyiga Kuuriya

Xigashada Sawirka, AFP/Getty Images

Qoraalka sawirka, Guriga xoriyadda yaa ah dhisme laga dhisay dhanka Waqooyiga Kuuriya
line

Khariidad muujinaysa sida baxsashadu u dhacday

map
line

Askari kale oo reer Kuuriyada Waqooyi ah ayaa si kooban uga soo tallaaabay xadka

Mid ka mid ah ilaalada xadka ayaa si kooban uga tallaabay xadka, ka hor inta uusan arrintaas ku baraarugin ee uusan dib uga laabanin, wuxuuna ku laabtay askartii kale oo gabaad galay.

Hawlagalka Qaramada Midoobay ayaa sheegay in farsamo ahaan la jabiyay heshiiskii xadka.

Ilaaliyaha xadka ayaase u muuqday in uusan ku baraarugsanayn in u tallaabay dhanka Koonfurta.

Sawirkan oo wakhti hore la qaaday ayaa muujinaya askrata Kuuriyada Waqooyi oo ag taagan shub gaaban oo sumad xadeed ah

Xigashada Sawirka, AFP/Getty Images

Qoraalka sawirka, Sawirkan oo wakhti hore la qaaday ayaa muujinaya askrata Kuuriyada Waqooyi oo ag taagan shub gaaban oo sumad xadeed ah

Sharciyo adag ayaa ka yaalla tallaabooyinka milatariga ee aagaas

Hawlgalka Qaramada Midoobay ayaa sheegay Arbacadii in ilaalada Kuuriyada Waqooyi ay jabiyeen shuruucdii marka ay rasaasta ku soo fureen dhanka Kuuriyada Waqooyi ee ka tirsan aaga milatariga ka caagan.

Heshiis la gaaray 1953 oo soo afjaray dagaalkii Kuuriya ayaa dhigaya in labada dhinacba aysan aaga milatariga ka caagan ka gaysanin wax xiisad dhalin kara.

Afhayeen u hadlay ciidammada Maraykanka ee hawlgalka Qaramada Midoobay halkaas ku jooga ayaa sheegay in ciidammada Kuuriyada Koonfureed ay is xakameeyeen oo aysan rasaas ku jawaabin.

BBC-da ayuu u sheegay in Waqooyiga lala wadaagay wixii ay arkeen iyadoo loo sii marinayo "sida caadiga ah" ee ah in xadka laga akhriyo xogta waqooyiguna uu dhanka kale ka duubto.

Kuuriyada Waqooyi ayaana hadda laga sugayaa in ay ka soo jawaabto ayna sharaxaad ka bixiso waxa dhacay iyo sidii looga baaqsan lahaa in xaaladdan oo kale ay soo laabato mustaqbalka.

Aragtida jawaabta degdegga ah ee Kuuriyada Waqooyi ayaa ahayd arrin naadir ah

Sida muuqaalka laga arki karo askarta Kuuriyada Waqooyi aad ayay u hubaysan yihiin, laakiin jawaabta ay bixiyeen ayaa u muuqatay mid jahwareer ka jiray.

Baxsashada horeba waxay awoodeen in ay askariga ku joojiyaan barta kontoroolka, balse wuu soo dhaafay waxayna u muuqataa in askarigii taagnaa uu khalkhalay.

Askarigii jid gooyada joogay ayaa xoogaa eryaday markuu gaarigu dhaafay

Xigashada Sawirka, UN Command

Qoraalka sawirka, Askarigii jid gooyada joogay ayaa xoogaa eryaday markuu gaarigu dhaafay

Intaas ka dibna askari ayaa u tallaabay dhanka Koonfurta, ilaaladiina waxay rasaas ku fureen askarigii baxsanayay intaas oo dhan shil ma ahayn ee waxay iloobeen in ay nidaamka ilaaliyaa iyadoo jahwareer jiro.

Taliyaha hawlgalka Qaramada Midoonay wuxuu sheegay in Kuuriyada Koonfureed ay qorshe dajisatay ayna durba ka hawlgashay soo qaadidda askariga baxsadka ah iyaga oon ogayn xattaa in uu yahay shirqool loo soo maleegay.

Screengrab of video clips showing North Korean soldier defecting to the South at the JSA

Xigashada Sawirka, UN Command

Markii ay 40 daqiiqo sugeen, labo askari oo Kuuriyada Koonfureed ka tirsan ayaa si dhakhso ah ugu gurguurtay dhanka askariga soo baxsaday wayna soo jiideen.

Waa naadir in laga soo baxsado dhanka milatariga ka caagan, goobtan ay hadda arrintan ka dhacdayna wayba ka sii xag jirtaa, arrin sidan oo kale ahna meelnaba horay ugama dhicin.

Kaameerada habeenkii wax duubta oo muujinaysa askarta Kuuriyada Koonfureed oo jiidanaya askariga soo baxsaday ee Kuuriyada Waqooyi

Xigashada Sawirka, UN Command

Qoraalka sawirka, Kaameerada habeenkii wax duubta oo muujinaysa askarta Kuuriyada Koonfureed oo jiidanaya askariga soo baxsaday ee Kuuriyada Waqooyi