Da'yarta hal-abuurka ganacsiga Soomaaliya

Qoraalka Codka, Da'yarta hal-abuurka ganacsiga Soomaaliya

Magaalada Muqdisho waxa lagu soo gabagabeeyay barnaamij loogu magac daray hal-abuur u samee Soomaaliya oo ay ilaa konton dhalinyaro ah ku soo bandhigayeen fikrado ganacsi oo cusub.

Barnaamijkan ayaa looga gol leeyahay in lagu hormariyo qaybaha ganacsiga iyo dhaqaalaha ee Soomaaliya iyadoo dhalinta fursad loo siinayo in ay la yimaadaan fikrado la maalgalin karo.

Mudo todobaad ah ayuu socday tartankan waxana si wadajira usoo agaasimay wasaaradda Qorshaynta, tan Ganacsiga, iyo hay'adda horumarinta qaramada midoobey ee UNDP.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibrahim Maxamad Adan ayaa warbixintan noo soo diray.