Faysal Cali Waraabe oo walaac ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee Somaliland

Qoraalka Codka, Faysal Cali Waraabe oo walaac ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee Somaliland

Guddiga Doorashooyinka ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay tirada guud ee codbixiyaasha doorashada madaxtooyada ee lagu wado in la qabto 13-ka bisha soo socota.

Dadka kaararka codbixinta qaatay ee xaqa u leh inay codkooda dhiibtaan ayuu guddigu ku sheegay inay dhan yihiin 704,089 qof iyadoo1642 goobood laga dhiiban doono codadka.

Munaasabadda tiradan lagu shaaciyay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wakiilo ka kala socday saddexda xisbi ee ku tartamaya doorashada iyo wasiirka arimaha gudaha Somaliland.

Haddaba Studio-yaha BBC-da ee magaalada Nairobi waxaa nagu soo booqday Faysal Cali Waraabe oo ka mid ah musharaxiinta ku tartamaya xilka madaxtinimada ee Somaliland, waxa uu u warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.