Maamulka Jubbaland oo ka hadlay ujeedada shirka Kismaayo

Shirka Kismaayo
Qoraalka sawirka, Shirka Kismaayo

Maamulka Jubbaland oo marti gelinaya shirka maamul goboleedyada ee shalay ka furmay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in gogoshani ay tahay mid maamulka Jubbaland uu u fidiyaya maamulada kale ee dalka kajira.

Madaxda maamul goboleedyada dalka Soomaaliya ayaa shalay gaaray magaalada kismaayo, halkaa oo ay uga qeyb galayaan shir uu ku baaqay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madobe.

Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Jubbaland, Maxamed Warsame Darwiish oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in ujeedada shirkani ay tahay sidii looga wadahadli lahaa madmadow soo kala dhex galay qaar maamul goboleedyada dalka iyo dowladda federaalka.

Darwiish ayaa waxaa kale oo sheegay in waxa kasoo baxa shirkani loo gudbin doono dowladda dhexe ee federaalka, waxaana uu intaa ku daray in natiijada laga fili karo shirkani ay tahay guul, midnimo iyo in Soomaalida ay gartaan danahooda.

Dowladda fedraalka ayaan wali si rasmi ah uga hadlin shirka ka socda magaalada Kismaayo, waxaana jira walaac ka dhashay shirkani maadaama aysan ka qeyb gelin dowladda dhexe.

Inkastoo aan la ogeyn waxa kasoo bixi kara shirkani ayaa haddana dadka qaar waxaa ay qabaan in shirkani uu walaac horleh ku keeni karo wada shaqeynta dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Murankii ka dhashay moowqifka dowladda federaalka ay ka qaadatay khilaafka dowladaha khaliijka iyo kan ay ka qaateen dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa keenay in qaar kamid ah madaxda maamulada laga qaado xilka.

Maamul goboleedka Galmudug ayaa noqday midka saamaynta ugu xun uu murankan ku yeeshay, kadib markii madaxdii sarsare ee maamulkaasi ay ku kala qaybsameen moowqifka khaliijka.