Nidaamka cusub ee waxbarashada Kenya oo walaac laga muujiyay

Qoraalka Codka, Nidaamka cusub ee waxbarashada Kenya oo walaac laga muujiyay

Iyadoo maanta dunida laga xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Macallimiinta ayaa Ururka Macallimiinta Kenya waxa uu sheegay inaan lagala tashan isbadelka lagu sameynayo manhajka waxbarashada ee dalka.

Wasaaradda Waxbarashada ee Kenya ayaa bilowgii sanadkan shaacisay in dalka uu ka wareegi doono nidaamka waxbarashada ee 8-4-4 loona wareegi doono nidaamka 2-6-6-3, kaas oo dhaqangeli doona sanadka soo socda.

Ururuka Macallimiinta ayaa ku doodaya in fulinta nidaamkan dambe ay suuragal tahay inuu dhibaato ku keeno hannaanka waxbarashada ee dhallaanka soo hanaqaadaya.

Haddaba umuurtaasi ayaa waxaannu ka wareysannay Xoghayaha Ururka Macallimiinta ee Gaarisa, Cabdirisaaq Xuseen, oo u warramay weriyaha BBC-da Bashkas Jugsodhacay.