Dibadbaxyo ka dhan ah IEBC oo ka dhacay Kenya

Boolis kala ceyrinaya dadka isu soo baxay
Qoraalka sawirka, Boolis kala ceyrinaya dadka isu soo baxay

Taageerayaasha hoggaamiyaha mucaaradka ee Kenya, Raila Odinga, ayaa dhigay dibadbax ka dhan ah guddiga doorashada.

Guddiga IEBC ayaa isu diyaarinaya qabashada doorashada ku celiska ah, dhammaadkan bishan, balse mucaaradka ayaa doonaya in xubno ka mid ah shaqada laga joojiyo.

Booliska ayaa gaaska dadka ka ilmeysiiya ku riday dibadbaxayaasha, waxayna xireen jidadka ay doonayeen in ay maraan.

Mudaaharaadyada waxay ka dheceen Nairobi iyo magaalada uu mucaaradka ku xoog badan yahay ee Kisumu, galbeedka Kenya.

Dadka isu soo baxay waxay u hogaansameen Raila oo u sheegay in ay soo baxaan, ayna isugu tagaan xarunta guddiga doorashada.

Raila wuxuu doonayaa in isbedel muhiim ah algu sameeyo saraakiisha sare ee guddiga iyo in hannaanka doorashada wax laga badalo.

Askeri ridaya gaaska ilmada keena
Qoraalka sawirka, Askeri ridaya gaaska ilmada keena

Doorashaddii August oo maxkamadda ugu sareysa Kenya ay laashay ayaa dib loogu noqonayaa 26-ka bishan oktobar.

Maxkamadda ayaa diiday guushii uu gaaray madaxweynaha talada haya ee Uhuru Kenyatta, waxayna amartay in 60 maalmood gudahood lagu qabto mid ku celis ah.

Garsoorayaasha maxkamadda ayaa sheegay in ay jireen qaladaad la sameeyay xilligii soo gudbinta natiijada iyo in tirada codeynta la badalay.

Qeybo ka mid ah magaalada ayaa cidlo ah. Ganacsatada waxay xireen xarrumahooda ayagoo ka baqaya in dhibaato ka soo gaarto.