Labo dumar ah oo u dhintay weerarkii mindida ee Marseille

Xigashada Sawirka, Reuters
Labo gabdhood oo da'yar ah ayaa lagu tooriyeeyay oo ku dhimatay xarrunta oogu wayn ee tareennada looga raaco magaalada Marseille, weerarkaas ayaa looga shakisan yahay mid argagixiso.
Askari waardi ku jiray ayaa toogasho ku dilay qofkii weerarka soo qaaday, kaas oo booliisku ay ku tilmaameen qof ka soo jeeda Waqooyiga Afrika, da'diisana waxay ku sheegeen 30 jir.
Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in uu ku dhawaaqay Allahu Akbar (Illaahay baa wayn).
Kooxda isugu yeerta Dawladda Islaamka ayaa sheegay in uu weerarkaas gaystay mid ka mid ah "askartooda".
Mid ka mid ah gabdhaha ayaa qoorta laga gawracay midda kalana caloosha ayaa mindida laga galiyay, 17 jir iyo 20 jir ayay kala ahaayen.
Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa sheegay in uu aad u taabtay dilkaas arxandarrada ah.
Wasiirka amniga gudaha Gérard Collomb ayaa saxafiyiinta u sheegay in qofka weerarka soo qaaday uu ka baxsaday goobtii uu qofka koobaad ku dilay balse uu soo laabtay si uu dil kale u gaysto.






