Maryan Mursal oo ka warameyso safarkeeda Soomaaliya
BBC-da ayaa toddobaadkan dib u billowday taxanihii boqolka dumar ee diiradda lagu saaro dhibaatooyinka haweenka caalamka haysta iyo sida xal loogu heli karo.
Maalmaha soo socda waxaad maqli doontaan waraysiyo iyo warbixinno arinkaa ku saabsan.
Saakase waxaan eegaynaa fannaanada caanka ah ee Maryan Mursal Ciise Bootaan oo maalmahan ku sugneyd Soomaaliya, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.
Maryan Mursal ayaa sheegtay inay dalkeeda usoo hilowday, isla markaana ay shacabka ugu baaqayso in nabada ay ka shaqeeyaan.
Khadka telefoonka ayay ugu warrantay weriyaha BBC Fardowsa Maxamed Cilmi.