Qoys Kuuriyada Waqooyi ku eedeeyay in wiilkooda ay jirdileen

Otto Warmbier

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Otto Warmbier

Waalidiinta Otto Warmbier ayaa markii ugu horeeysay faahfaahin ka bixiyay xaaladdii uu ku sugnaa wiilkooda markii laga keenayay Kuuriyada Waqooyi.

Fred iyo Cindy Warmbier ayaa TV-ga Fox u sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay yihiin argagixiso jirdil u gaystay wiilkooda.

Ardayga u dhashay dalka Mareykanka ayaa lagu xiray magaalada Pyongyang sanaddii 2016 ka dib markii lagu eedeeyay xatooyo.

Otto Warmbier ayaa xabsiga laga siidaayay bishii June ee sanadkan isaga oo aad u xanuunsan islamarkana waxa uu dhintay maalmo ka dib markii Mareykanka dib loogu soo celiyay.

Xukuumada Kuuriyada Waqooyi ayaa marar badan beenisay in ay si xun ula dhaqantay Mr Warmbier intii uu xabsiga ku jiray .

Waraysigii ugu horeyay oo ay siiyeenTelefishinka Fox news ayaa waalidiinta wiilkan waxay sheegeen in ay u arkaan in ay imika tahay waqtigii ugu haboonaa ee ay tahay in laga run sheego xaaladdii uu ku sugnaa Otto.

Mr Warmbier ayaa sheegay in markii ay wiilkooda la kumayeen uu ahaa nin isku buuqsan islamarkana uu ku qaaylinayay cod dheer oo aan ahayn kan bina'aadamka.

"Otto si xun ayaa loo jirdilay waxaana si ula kac ah dhaawac ugu gaystay Kim iyo dowladiisa ,tani ma ahayn mid qarsoon," ayuu yiri Mr Warmbier.

Mrs Warmbier ayaa sheegay in xukuumada Kuuriyada Waqooyi ay wiilkiisa dib ugu soo celisay Maraykanka sababtoo ah buu yiri "ma aysan doonayn in uu dalkooda ku dhinto".