Ma haboon tahay in Soomaaliya xilligan laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran?
Dowlada Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay baaqii ahaa in cunaqabataynta hubka ee saran laga qaado.
Raisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Khudbadii uu ka jeediyay kulanka golaha guud ee qaramada midoobe waxa uu sheegay in cunaqabataynta Hubka ay caqabad ku tahay in dowlada ay guulo ka gaarto arrimaha ammaanka .
Mr Kheyre ayaa sheegay in dowladiisa ay diirada saartay xoojinta ciidamada Soomaaliya balse ay xaddidayso cunaqabataynta hubka ee saaran in hormar al sameeyo.
Hadaba ma haboon tahay in Soomaaliya xilligan laga qaado cunaqabatayn?Su'aashan iyo suaalo kale ayaa waxa u Axmed Badar waydiyay Genaral Maxamed Ibrahim Guubir oo ka mid ahaa Janaraaladii ciidamada qalabka side ee soomaaliya.