Garoonka Muqdisho oo 27 sano ka dib ay xilli habeen ah diyaarad ka degtay

Qoraalka Codka, Garoonka Muqdisho oo 27 sano ka dib ay xilli habeen ah diyaarad ka soo degtay

27 Sano ka dib, habeenimadii xalay waxaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ka soo degtay diyaarad rakaab waday. Garoonkan Adan cade ayaa dhowaan loo sameeyey adeegyadii suurtogelin laha ain habeenkii uu shaqeeyo.

Tilaabadan ayaa loo arkaa horumar lagu talaabsay,Wasiirka gaadiid ee dowlada soomaliya Maxamed Cabdulai Salaad ayaan ka warramaaya bal sida ay ku suurogashay in xalay ay diaaradan ka soo degto garoonka caalamiga ah ee adan Cade waxa uuna u waramay Cabdirisaq Xaaji Catoosh.