Gabadh xubnaha jirkeeda lagu badbaadiyay 8 qof

Xigashada Sawirka, LAYZELL FAMILY
Gabadh 13 jir ah oo u dhimatay xanuun maskaxda ah dalka UK ayaa xubnaha jirkeeda waxaa loogu deeqay sideed qof oo kale oo noloshooda lagu badbaadiyay.
Waa tiradii ugu badnayd oo dad ah oo lagu badbaadiyo xubnaha hal qof inta la ogyahay.
Gabadhan oo lagu magacaabo Jemima Layzell ayaa geeriyootay 2012-kii, waxayna ku deeqday wadnaheeda, sanbabada, kilyaha,beerka iyo xubno kale.
Waalidkeed ayaa ku amaanay in ay ahayd gabadh fariidad ah oo doonaysay in taariikhdeeda ay adduunka kasii jirto dhimashadeeda kadib.
Dhaqaatiirta ayaa sheegay in ay tahay qofka dadkii ugu badnaa xubno ugu yaboohay inta la ogyahay.
Wadnaha iyo mindhicirka waxaa loo galiyay dad bukaan ahaa oo aad ugu baahnaa, halka labadeeda kilyood loo kala galiyay labo qof oo kala duwan.
Beerkeeda ayaa labo loo kala baray, waxaana lagu rakibay labo qof oo kala duwan. Sanbabadeeda ayaa loo galiyay hal qof.
Caadi ahaan qofka xubnihiisa yabooha waxa ka faa'iidaysan kara 2 illaa 6 qof, hase yeeshee 8 qof waa tiro aad u badan.
Hooyada dhashay gabadhan oo lagu magacaabo Sophy Layzell oo 43 jir ah iyo aabaha dhalay oo lagu magacaabo Harvey Layzel oo 48 jir ayaa sheegay in ay sii ogaayeen in gabadhooda ay xubnaheeda ku yaboohi doonto, sababtoo ah waxa ay ka wada hadleen todobaadyo ka hor kadib markii qof ay garanayaan uu ku dhintay shil gaari.
Waxase ay intaas ku dareen in ay aad ugu adkayd in xubnaha gabadhooda la yabooho, balse ay fahamsanyihiin muhiimadda.
Gabadh la dhalatay oo lagu magacaabo Amelia oo 17 ah ayaa hadda hormuud ka ah sanduuq lagu magacaabo The Jemima Layzell Trust, kaas oo lagu caawiyo caruurta maxkasta wax ka gaareen, waxaana lagu dhiirogaliyaa yabooha xubnaha bini'aadamka.
Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay sheegtay in sanad kasta boqolaal dad ah ay u dhintaan sababo xalkooda la heli karo.
Sanadkii hore oo kaliya waxaa dhimatay 457 oo ku jiray liiska dadka sugaya xubno loogu deeqay. 14 oo ka mid ah waxa ay ahaayeen caruur.
Dalka UK 6,414 qof ayaa sugaya in xubno bini'aadam oo loogu deeqay lagu rakiyo, 176 ka mid ah dadkaas waa caruur.










