Ma dadbaa masaakiinnimada meel uga dhacay?
Maanta oo kale waxay Qaramada Midoobey u astaysay in loo dabaaldego sadaqada si dadka loogu dhiirigeliyo in ay caawiyaan masaakiinta.
QM sababta ay u dhiirigelineyso sadaqada waxaa ka mid ah in ugu dambeyn 2030-ka lagu guuleysto in la cirribrito faqriga. Soomaalida waxay ka mid yihiin dadka jecel in ay is caawiyaan, laakiin dhowaanahan waxaa la sheegayaa inay jiraan dad sadaqada si kale u isticmaala, weriyaha BBC-da Axmed Xaji Xasan ayaa warbixintan ku eegaya.