Puntland iyo Galmudug oo ka arrinsanaya khilaafka u dhaxeeya
Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa maanta lagu wadaa inuu ka furmo shir saddex maalmood socon doona oo ay yeelanayaan maamullada Galmudug iyo Puntland, waxaana looga hadli doonaa sidii xal loogu heli lahaa khilaafka u dhaxeeya labada maamul ee ay xuddunta u tahay magaalada Gaalkacyo qudheeda oo labo u kala qaybsan.
Iyadoo shalayna markii ugu horraysay ay magaalada ku kulmeen madaxweyne ku xigeennada labada Maamul ee Galmudug iyo Puntland. Haddaba arrimaha shirkan looga hadli doono ayaa waxaan ka waraysannay madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carrabey), oo qadka telefoonka iigu warramay.