Guddiga doorashada Kenya oo ka hadlay go'aankii maxkamadda sare

Qoraalka Codka, Guddiga doorashada Kenya oo ka hadlay go'aankii maxkamadda sare

Maxkamadda ugu sarraysa dalka Kenya ayaa maalintii shalay ahayd amar ku bixisay in mar kale lagu celiyo doorashada madaxtinnimada.

Maxkmadda ayaa waxba kama jiraan ka soo qaadday dib u doorashadii madaxwayne Uhuru Kenyatta.

Guddiga doorashada Kenya ee IEBC ayaa waxay maxkamadda sheegtay in aysan doorashada u qaban si waafaqsan dastuurka dalka.

Prof. Cabdi Yacquub Guuliye oo ka mid ah xubno ka tirsan IEBC oo mucaaradku ay sheegeen inay maxkamad la tiigsan doonaan ayaan wax ka weydiinnay sida ay u arkaan guddoonka maxka.madda iyo kalsoonida lagu qabi karo guddiga xilligan.

Wariyaha BBC-da Bashiir Maxamed Caato ayuuna u warramay