Xoolo dhaqatada oo ka cabatay duqaynta kaymaha Kenya ee Boni
Dowladda Kenya ayaa dhawaan ka codsatay dadka degan keynta Boni, ee ay xadka wadaagaan degaannada Garissa iyo Lamu, in ay isaga guuraan, madaama la sheegaayo in ay Al-shabab xarun ku leedahay, dowladduna ay dooneyso in keyntaasi duqeyso.
Dadka Keynta Booni deggan ayaa u badan xoolo dhaqato, waxaana ka mid ah Soomali iyagu xoolahooda halkaasi ku dhaqaaleysta.
Bilow BundIid oo ka mid ah xoolo dhaqatada Soomaalida ee dagan Keyntaasi ayaa ka cabanaya duqeyn hore looga fuliyay keynta iyo go'anka ka soo yeeray dowladda, wuxuu uu u warramay weriyaha BBC-da Bashkash jug soo dhacay.