Lixdan carruur ah oo ku dhimatay isbitaal Hindiya ku yaalla
Ugu yaraan 60 carruur ah ayaa ku dhintay isbitaalka dadweynaha oo ku yaalla waqooyiga Hindiya, sida ay saraakiishu sheegayaan, iyadoo ay jiraan eedeymo ah in hawada oxygen-ta ee dadka xanuunsan qaarkood lagu xiro laga jaray isbitaalka sababo la xiriira lacagaha oo aan la bixin.
Saraakiisha gobolka Uttar Pradesh ayaa qiray in laga jaray adeegga hawada oksojiinta, balse waxay dafireen inay dhimasho sababtay.

Xigashada Sawirka, AFP
Qoysaska dadka isbitaalka ku jira ayaa la arkayay iyagoo bacaha neef ku siinaya bukaanka.
Dhimashada carruurtan ee isbitaalka Baba Raghav Das ee degmada Gorakhpur district ayaa soo bilaabatay Isniintii. Soddon ka mid ah carruurta ayaa dhintay intii u dhaxeysay Khamiistii iyo Jimcihii keliya.

Xigashada Sawirka, AFP
Gobolkan ayaa ka mid ah gobollada ugu saboolsan dalka Hindiya waxaana sanadkiiba ku dhinta boqollaal carruur ah.
Wasiirka caafimaadka dalkaasi Sidharth Nath Singh ayaa sidoo kale beeniyay inay carruurta u dhinteen oksojiin la`aan.






