Edna Aadan oo loo magacaabay ergayga Somaliland ee wadahadallada Soomaaliya

Madaxweynaha jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqaday madaxbanaanida ee somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa u magacaabay Edna Aadan Ismaaciil inay noqoto ergeyga Soomaaliland u qaabilsan wadahadallada somaliya iyo somaliland .
Marwo Edna Aadan Ismaaciil ayaa ah haweenay aqoonyahanad ah islamarkaana waxa ay horay u soo noqotay wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland.
Wadahadallada dowladda fedaraalka iyo Somaliland ayaa hakad ku jiray muddooyiinkii ugu dambeeyay mana cadda wakhtiga ay dib u billaaban doonaan.
Dhanka kale, Madaxweynaha jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqaday madaxbanaanida ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa xilkii ka qaaday wasiirkii wasaaradda xiriirka golayaasha, cilmi-baarrista iyo teknoloojiyada Cali Xaamud Jibriil .
Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada laguma sheegin sababta wasiirkan oo ahaa wasiirka ugu dhowaa madaxweyne xigeenka somaliland xilka looga qaaday .
Axmed Xaaji Daahir Cilmi oo hore u soo qabtay xilal wasiirnimo xukuumadii Daahir rayaale Kaahin , ayaa loo magacaabay wasiirka cusub ee wasaaradda xidhiidhka golayaasha, cilmi baarrista iyo teknoolojiyadda.






