Midawga Yurub oo lagu eedeeyay sare u kaca dhimashada muhaajiriinta

Xigashada Sawirka, Reuters
Hay'adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International ayaa sare u kaca qaxootiga ku le'anaya badda Mediterranean-ka ku eedaysay "siyaasadaha sii xumaanaya" ee Midawga Yurub.
Warbixin ay hay'addu soo saartay ayay ku sheegtay "heshiisyada danaysiga ah" ee Midawga Yurub uu la galayo Liibiya in uu kumannaan qof galinayo halis ah in ay badaha ku dhintaan, la kufsado ama la jir dilo.
Waxay intaas ku dartay in Midawga Yurub uu iska indha tirayo tacadiyada ka jira xarummaha dadka lagu hayo ee dalka Liibiya taas oo ku dambaysa in hay'adaha gurmadku ay qaxootiga ka badbaadiyaan badaha.
In kabadan 2,000 oo ruux oo isku dayayay in ay Yurub gaaraan ayaa dhintay sannadkan 2017ka, sida ay hay'addu sheegtay.
Midawga Yurub wali si rasmi ah ugama jawaabin eedaymahan.







