Maraykanka : "Awood baan u adeegsan doonaa" arrinta Kuuriyada Waqooyi

Danjiraha Maraykanka ee Qaramada Midoobay, Nikki Haley

Xigashada Sawirka, Reuters

Maraykanka ayaa sheegay in uu "awood milatari u adeegsan doono" Kuuriyada Waqooyi haddii ay sidaas "ka fursanwaydo", hadalkaas ayaana dabo socda tijaabadii gantaalka riddada dheer ee ay Talaadadii samaysay.

Danjiraha Maraykanka ee Qaramada Midoobay, Nikki Haley ayaa sheegtay in ay Qaramada Midoobay hor gayn doonto qaraar cusub oo ka dhan ah xukuumadda Kuuriyada Waqooyi.

Tijabadaas gantaalkana waxay ku tilmaantay xaaladd milatari oo cirka isku sii shareeraysa, waxaa kale oo ay ku hanjabtay in ay adeegsan doonto xayiraado ganacsi.

Warbaahinta Kuuriyada Waqooyi ayaa baahisay gantaalkii Talaadadii la tijaabiyay

Xigashada Sawirka, KCNA

Qoraalka sawirka, Warbaahinta Kuuriyada Waqooyi ayaa baahisay gantaalkii Talaadadii la tijaabiyay

Saacado uun ka dib markii ay hadalkaas sheegtay, Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa gantaalo dheeri ah ku riday badda Japan arrintaas oo qayb ka ah dhoola tus milatari.

Laakiin Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in aysan wax wadahadal ah gali doonin tan iyo inta Maraykanku uu ka soo afjarayo "siyaasadda" ka dhanka ah Kuuriyada Waqooyi.

Gantaal kuwa wax burburiya ah oo ay ridday Kuuriyada Koonfureed

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Gantaal kuwa wax burburiya ah oo ay ridday Kuuriyada Koonfureed

Tijaabadii gantaalka ee Talaadadii ay samaysay Kuuriya Waqooyi ayaa ahaa midkii u dambeeyay ee kuwo badan oo ay dhawaan sameeyeen oo ay kaga dhago adaygeen xayiraadda Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Dhanka kalana Wasiirka Difaaca ee dalka Maraykanka Jim Mattis iyo dhigiisa dalka Japan Tomomi Inada ayaa sheegay in tijaabadaasi ay ahayd "daandaanisi aan la aqbali karin".

Warbaahinta Kuuriyada Waqooyi waxay sheegtay in madaxweyne Kim Jong-un uu dusha kala socday tijaabada gantaalka

Xigashada Sawirka, KCNA/REUTERS

Qoraalka sawirka, Warbaahinta Kuuriyada Waqooyi waxay sheegtay in madaxweyne Kim Jong-un uu dusha kala socday tijaabada gantaalka