Mowqifka Somaliland ee ku aadan qaadista cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya
Madaxweynaha Jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maanta jeediyey khudbad uu ugu talo galay maalinta 18-ka May ee gooni u istaaga Somaliland wuxuu kaga hadlay codsiga dawlada Federaalka Soomaaliya ee ku aadan in laga qaado dalka Soomaaliya cunoqabareynta hubka arrintaasi oo madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo kaga codsaday shirkii dhawaan lagu qabatay magaalada London ee looga hadlay arrimaha Soomaaliya.