Ahlu Sunna oo ka hadashay madaxweynaha cusub ee Galmudug
Shalay waxaa magaalada Cadado lagu doortay madaxweynaha cusub ee maamul goboleedka Galmudug.
Doorashadan oo ahayd mid aad loogu loolamay ayaa waxaa ku tartamayay sedex musharax, iyadoo aakhirkii ay guusha raacday Axmed Ducaale Geele oo loo yaqaano xaaf
Haddaba doorashadaasi iyo waxa ka soo baxayba waxaa qaadacay maamulka Ahlu Sunna ee goboladda dhexe.
Sheekh Maxamed Shaakir, oo ah madaxweynaha maamulka Ahlu Sunna ee gobollada Dhexe ayaa BBC-da uga waramay aragtidooda ku aadan doorashadaasi iyo ninka madaxweynaha loo doortayba. Xasan Cali Geele ayuuna u waramay.