Baarlamaanka Galmudug oo madaxweyne cusub doortay

Xigashada Sawirka, Jama Deperani
Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maanta madaxweyne u doortay xildhibaan hore Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ka mid ahaa musharrixiintii u tartamaysay kursigaasi.
Doorashada oo ka dhacdaay magaalada Cadaado ayaa wareegii labaad wuxuu Axmed Ducaale helay 54 cod isagoo ka adkaaday Axmed Shariif Cali oo helay 34 cod.
Waxaa markiiba magaalada ka billowday dabbaaldegyo lagu taageerayo madaxweynaha la doortay Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Madaxweynihii hore ee Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa xilkaasi iska casilay bishii February ee sanadkan sababa la xiriira caafimaadkiisa.






