Lamaane isqabay 69 sano oo geeriyooday iyagoo gacmaha is haysta

Xigashada Sawirka, FAMILY HANDOUT
Lamaane 69 sano is qabay oo ku sugnaa gobolka Illinois ee dalka Maraykanka ayaa isku saacad geeriyooday sida ay qoyskoodu u sheegeen warbaahinta Maraykanka.
Isaac Vatkin, oo 91 jir ah ayaa gacanta hayay xaaskiisa Teresa oo 89 jir ah markii ay u geeriyoonaysay cudurka asaasaqa, sida uu daabacay Daily Herald.
Isaac ayaa isna geeriyooday afartan daqiiqo ka dib, xubno ka mid ah qoyskuna waxay sheegeen in ay niyadda isu dhisayeen.
"Jacaylkii ay isu hayeen wuxuu ahaa mid xoog badan, midkoodnana ma noolaan karin midka kale la'aantii," ayay tiri gabadhooda Clara Gesklin oo ka hadashay aas wadajir loogu sameeyay.

Xigashada Sawirka, FAMILY PHOTO
- Jaajuus shaqadiisa ku waayay jacayl
- Weligaa ma maqashay warqad jacayl oo sida imtixaanka loo saxay?
- Jacayl dhexmaray gabadh Ciraaqiyad ah oo qaxooti ah iyo askari reer Mecadonia ah
- Gabadh caddaan ah oo loo dayriyay inay nin madaw ah jeclaatay
- Lamaane Kenyan ah oo arooskoodii hore ku baxay 1 doolar ayaa xalfad qaali ah loo dhigay
- Gabadh yar oo Suuriyaan ah oo waraaq u dirtay Trump
Shaqaalaha Isbitaalka Highland Park Hospital ayaa arkay in aysan neefti gabaabsi ku tahay waxayna go'aansadeen in ay sariiraha isu agdhigaan.
Xubnaha qoyska ayaa gacmahooda isu aadiyay markaas ayayna istaabteen.
Lamaanahan ayaa saddex ilmood dhalay xiriir dhaw ayayna la lahaayeen carruurta ay awawga iyo ayayda u yihiin.






