Siddeed ruux oo ku dhimatay isku dhacyo ka dhashay doorashada Kashmir

Xigashada Sawirka, AFP/Getty Images
Siddeed ruux ayaa ku dhimatay kuwo kale oo badanna dhaawacyo ayaa ka soo gaaray ka dib markii ay booliiska isku dhaceen dadka mudaaharaadayay intii ay socotay doorashada ku celiska ah ee ka dhacaysay qaybta ay Hindiya maamusho ee Kashmir.
Xoogagga sida milatariga u tababaran ayaa rasaas riday iyadoo dad diidan maamulka Hindiya ay ku soo xoomeen goobo codadka laga dhiibanayay oo u dhaw Srinagar.
Hogaamiyeyaasha qolyaha gooni ugoosadka raba ayaa ku baaqay in doorashada la qaadaco.
Gobolka Kashmir oo ay Muslimiintu aqlabiyad ka yihiin ayaa xudun u ah muran xad oo muddo tobannaan sano ah u dhaxeeyay Pakistan iyo Hindiya.
Hindiya ayaa Pakistan ku eedaysa in ay taageerayso qolyaha gooni u goosadka raba ee Kashmir, laakiin Islamabad way iska fogaysay eedaymahaas.

Xigashada Sawirka, EPA
Labada dalba waxay sheegtaan Kashmir oo dhan, waxayna kala maamulaan labo qaybood oo ka mid ah Kashmir.
Xiisadda gobolka ka taagan ayaa sare u kacday, degenaansho la'aanta ayaana ku sii korodhay tan iyo bishii Juulaay ee sanadkii hore, ka dib markii ay ciidammada Hindiya dileen Burhan Wani oo ahaa jabhad saamayn badan leh.

Xigashada Sawirka, AFP/Getty Images






