Maxay salka ku hayaan dibedbaxyada Koonfur Afrika?

Qoraalka Codka, Maxay salka ku hayaan dibedbaxyada Koonfur Afrika

Dibed baxyo ballaaran oo loogu baaqayo madaxweyne Jacob Zuman in uu xilka ka dego ayaa ka bilowday magaalooyinka waaweyn ee dalka Koonfur Afrika.

Mudaharaadyada ayaa ka dhashay markii uu dhawaan madaxweynaha xilka ka qaaday wasiirka maaliyadda ee Koonfur Afrika Pravin Gordhan.

Xilka ka qaadista wasiirka ayaa dhalisay in uu sii xumaado dhaqaalaha dalkaasi oo awalba sii liicayay.

Haddaba waxaan arrintaasi ka wareysanay Mahad Geedi oo degan Johannesburg. Wuxuu u waramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.