Shan ruux oo ku dhimatay weerarka dhismaha baarlamaanka UK

Qoraalka Muuqaalka, Xaaladda Westminster wax yar ka dib weerarka

Shan ruux ayaa ku dhimatay 40 kalana way ku dhaawacmeen weerar ka dhacay bartamaha London oo ay boolisku ku sheegeen inuu ahaa fal argagixiso.

Gaari ayaa si ula kac ah loo jiirsiiyay ugu yaraan 12 ruux oo marayay buundada Westminster ee agagaarka dhismaha baarlamaanka UK oo gebi ahaantiisba hadda la xiray. haweenay ayaa u dhimatay dhaawicii soo gaaray.

BBC

Qof ka soo dagay gaarigaaasi ayaa tooreey ku weeraray askari booliis ah oo taagnaa dibedda dhismaha baarlamaanka. Askeriga ayaa meesha ku geeriyooday. waxaa markiiba ninkaasi toogtay booliis hubaysan.

Gawaarida gurmadka degdegga ah ayaa gaaray goobta uu shilku ka dhacay.

Ra'iisalwasaaraha Britain Theresa May, ayaa loo sii qaaday goob ammaan ah markii rasaasta la maqlay.

Ilo ayaa BBC-da u sheegay in aysan dhacdadan la xiriirin iyada. Kulankii baarlamaankanana ayaa la hakiyay.

Boolisku wuxuu sheegay in uu tuhunsan uyahay in falkani uu yahay mid argagaxiso
Qoraalka sawirka, Boolisku wuxuu sheegay in uu tuhunsan uyahay in falkani uu yahay mid argagaxiso

Waxaa jira warar sheegaya in rasaas laga maqlay dibedda baarlamaanka UK. Wararka ayaa sheegaya in dhismaha baarlamaanka ee Westminster gebi ahanatiisba la xiray.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen dad dhaawcmay oo gargaar deg deg ah lagu siinayo goobta.

Waaxda maamusha gaadiidka dadweynaha London ayaa sheegtay in boolisku uu ka dalbaday in la xiro boosteejada tareenka laga raaco ee ku taalla agagaarka dhismaha Westminster.

Dhismaha baarlamanaka ayaa la xiray
Qoraalka sawirka, Dhismaha baarlamanaka ayaa la xiray

Booliska magaalada London ayaa sheegay in weerarka baarlamaanka London ay ula macaamalayaan inuu yahay mid argagixiso ilaa iyo inta ay ka helayaan 'war kaa ka duwan'.

Qoraalka Muuqaalka, DAAWO: Tababar ku saabsan sida la isu badbaadiyo haddii weerar argagixiso uu dhaco