Malaysia oo xirtay 140 qof oo u dhashay Kuuriyada Woqooyi

Xigashada Sawirka, Getty Images
Laanta socdaalka ee dalka Malaysia ayaa xiray tobannaan qof oo u dhashay Kuuriyada Woqooyi oo sitay warqado shaqo oo waqtigooda dhammaaday.
Wararku waxay sheegayaan in inkabadan 140 qof oo la xiray.
Dhammaan dadkaasi waxay ka shaqeynayeen qeybaha dhismaha ee Malaysia.
Maamulka xiray dadkaasi waxay sheegayaan in dowladda ay ka sugayaan sida laga yeelayo.
Sidoo kale 36 qof oo kale oo u dhashay Kuuriyada Woqooyi oo sitay warqado sax ah ayaa loo sheegay inay ku sii sugnaadaan Malaysia.
Xiriirka labada dal ayaa meel xun gaaray tan iyo markii la dilay nin ay isku aabo ahaayeen hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi.
Kim Jong-nam waxaa lagu dilay garoonka diyaaradaha ee Kuala Lumpur xilli uu doonayay inuu halkaaasi diyaarad ka raaco.
Waxaa khilaafka sii xoojiyay markii Woqooyiga Kuuriya ay diiday inay 11 qof oo u dhashay Malaysia inay dalkooda u safraan.
Malaysia ayaa dhankeeda xayirtay kumannaan qof, waxayna isku gedaamtay safaaradda Kuuriyada Woqooyi ee Kuala Lumpur ku taalla.
Malaysia ayaa ka shakisan in laba qof oo dilka looga shakisan yahay ay ku jiraan safaaradda












