Erdogan oo maamulka hadda ka jira ee Jermalka ku tilmaamay kii Nazi-ga

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa saraakiisha Jermalka la simay kuwii Nazi-yiinta, arrintan ayaana qayb ka ah dagaal sii kharaaraanaya oo dhanka afka ah oo labada dal u dhexmaraya.
Recep Tayyip Erdogan ayaa hadalkan kulul jeediyay ka dib markii maamulka Jermalku ay baajiyeen isu soo bax loogu talagalay in taageero lagaga raadinayo dadka asal ahaan Turkiga ka soo jeeda ee Jermalka ku nool ee codka ka dhiiban doona afti muhiim ah oo la qaban doono.
"Sida aad u dhaqmaysaan kama duwana kuwii Nazi-ga ee hore" ayuu yiri Erdogan.
Wasiirka caddaaladda ee Jermalka Heiko Maas ayaa hadalka Erdogan ku tilmaamay "mid foolxun oo laga xishoodo".

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dad lagu qiyaasay 1.4 milyan oo ruux oo Turkiga u dhashay oo ku nool dalka Jermalka ayaa xaq u leh in ay codeeyaan aftida bisha afraad dhacaysa, taas oo haddii la meelmariyo awoodo dheeraad ah siin doonta Erdogan.
Dadka codka dhiibanaya ayaa la waydiin doonaa in ay taageersan yihiin dastuurka cusub arrintaas oo dalka ka badali doonta hannaanka baarlamaaniga ah una badali doonta nimaad uu awoodda madaxweynuhu yeelan doono.
Haddii la meelmariyo dastuurka cusub Erdogan wuxuu heli doonaa awoodo cusub oo dhanka miisaaniyadda ah, magacaabidda wasiirrada iyo garsooreyaasha iyo in uu awood u yeesho in uu kala diro baarlamaanka.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xigashada Sawirka, EPA






