Ciraaq oo qabsatay buundada labaad ee Galbeedka Mosul

Xigashada Sawirka, AP
Wararka ka imaanaya Woqooyiga Ciraaq waxay sheegayaan in ciidamada dowladda ay qabsadeen buundo cusub oo ku dhow bartamaha magaalada Mosul.
Buundadaasi waxaa laga saaray dagaalyahannada ururka la baxay Khilaafada Islaamka ka dib dagaal aad u culus.
Waxay meesha la qabsaday ku dhowdahay qeybta taariikhiga ah ee magaalada Mosul.
Saraakiil u hadlay Ciraaq waxay sheegeen in buundada Al-xuriyah ee wobiga Dalja ay hadda gacanta ugu jirto dowladda.

Xigashada Sawirka, AP
Waa buundadii labaad ee daacish laga qabsado tan iyo markii uu bilowday duullanka ku wajahan Galbeedka Mosul, laba isbuuc ka hor.
Sikastaba, ilo ku dhow ciidamada waxay sheegayaan in arrintan hadda ay hordhac noqon karto.
Waxaa la sheegayaa in ururka la baxay Khilaafada Islaamka ay sameynayaan iska cabin aad u xoog badan oo ay kaga hortagayaan ciidamada dowladda ee horey u sii socda.

Waxa lagu waramayaa inay daacish isticmaaleyso diyaaradaha aan duuliyuhu saarneyn ee drones-ka iyo gawaari miido lagu xiray oo dhulka la geliyay.
Ololaha daacish looga saarayo Mosul wuxuu bilowday bishii October ee sanadkii tagay.













