You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sweden oo malaayiin dollar ku deeqday abaaraha Soomaaliya
Iyadoo dhowaan uu madaxweynaha soomaliya ku dhawaaqay in abaarta Soomaliya ka jirta ay tahay masiibo qaran ayaa dowladaha caalamka waxay ku deeqayaan malyiin dollar oo loogu deeqayo wax ka qabadka abaaraha taagan.
Safiirka dowlada Sweden u fadhiya Soomaliya Michael Lindvall ayaa BBC-da siiyay waraysi gaar ah oo uu kaga waramayo deeqaha dowlada Sweden ay ku bixisay abaaraha Soomaliya ka jira, iyo guud ahaanba kaalmada Sweden ee Soomaliya loogu deeqo.