Damaashaadka Muqdisho ee doorashada Farmaajo

Magaalada Muqdisho lagama seexan tan iyo xalay markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada madaxweynaha Soomaaliya, oo tan iyo waqtigaas waxa ka socda magaalada dabaaldegyo iyo isu soo baxyo ay samaynayaan dadweynaha iyo ciidanka dawladda.

Dadka ka soo qaybgalay isu soo baxyada Muqdisho ka socda ayaa sheegaya in ay aad ugu faraxsanyihiin in baarlamanka Soomaaliya uu ka jawaabay baaqoodii ahaa inay doortaan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Halkan ka daawo Muuqaal iyo sawirro uu soo diray weriyaha BBC, Ibraahim Maxamed Aadan oo soo dhexmaray dadka damaashaadaya.

Qoraalka Muuqaalka, Daawo: Dibedbaxyo lagu taageersan yahay Farmaajo
Dhallinyaro ka qayb qaadanaya dabaaldegga guusha Madaxweyne Farmaajo
Qoraalka sawirka, Dhallinyaro ka qayb qaadanaya dabaaldegga guusha Madaxweyne Farmaajo
Damaashaadka Muqdisho ee lagu taageerayo madaxweyne Farmaajo
Qoraalka sawirka, Damaashaadka Muqdisho ee lagu taageerayo madaxweyne Farmaajo