Sanad kadib iyo Xanuunka Zika
Sanad ka hor maanta oo kale, ayaa ururka caafimaadka adduunka waxa uu ku dhawaaqay in xanuunka Zika uu yahay xaalad degdeg ah oo caalamka lasoo daristay.
Xaaladaasi ayaa ka dhalatay markii cudur-sidahan kaneecadu keento uu keenay in boqolaal carruur ah ay ku dhalato madax yar, gaar ahaan dalka Brazil.
Khubarada caafimaadka ayaa hadda ogaaday in xanuunka Zika uu carruurta ku reebo dhibaato kale, marka laga soo tago madax yarida.
Dr Maxamuud Sheekh Oomaar, waxa uu ku takhasusay cudurada faafa. Weriyaha BBC Suheyba Maxamed Badqas ayuu uga warramay xanuunka Zika.