Galdogob: Caro ka dhalatay gabar la kufsaday
Waxaa maalmahan baraha bulshada qabsaday oo dadku ay aad u hadal hayeen kufsi la sheegay in lagu la kacay Gabadh kunool magaalada Galdogob ee dalka Soomaaliya. Waxaa arrintaasi ka dhashay caro ballaaran oo dhinaca baraha bulshada la soo marsiinayay.
Gabdhahaasi ayaa haatan lagu dabiibaya isbitaalka dhagacade ee magaalada Galkacayo , iyadoo na hooyada dhashay mid kamid ah gabdhahaasi ay BBC-da u sheegtay in xaalada gabadheedu ay aad u liidato .
Olole lacag loogu uruurinaya gabdhahaasi ayaa ka billowday internetka. Koox la magac baxday ‘Somali Faces(wajiyada Soomalaida) ayaa billaabay ololahaasi oo maanta oo kali ah lagu uruuriyay lacag gaareyso $5,000.
Hadabo sida ay wax u dhaceen ayaa waxaanu ka wareysanay Guddoomiyaha Magaalada Galdogob Ayaxle faarax maxamed, Wuxuu na khadka teleefonka ugu wraamaya weriyaha BBC -da Bashir Maxamed Caato .