Daawo: Maxaa ka dhigay gawaarida Itoobiya kuwa qaali ah
Dad badan oo reer Itoobiya ah ayey ku adag tahay inay gaari yeeshaan, inkastoo dhaqaalaha dalkoodu uu ka mid ah kuwa dunida ee aadka u kobcaya.
Gawaarida la isticmaalay ee laga keeno Bariga Dexe iyo Yurub ayaa ka jooga Itoobiya kumanyaal dollar, taasi oo ka dhigeysa in inta badan dadka saboolka aysan iibsan karin.
Dhibka ugu badan waxa uu ka yimid canshuurta badan ee dowladda oo gawaarida yar yar ku dartay alaabaha raaxada.
Cismaan Xasan ayaa soo jeedinaya.