Qaramada Midoobay oo ka digtay macluul ka dhacda Soomaaliya

Qoraalka Codka, Soomaaliya: Qaramada Midoobay oo ka digtay macluul

Hay'adaha gargaarkaee ka hawl-gala Soomaaliya ayaa codsaday lacag dhan 864 milyan oo doolar si ay u gargaaraan 3.9 milyan oo qof oo u baahan gargaar deg deg ah si loo badbaadiyo noloshooda .

Hay'adaha oo shir ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in haddii aan si degdeg ah wax looga qaban baahiyaha bani'aadanimo ee hadda taagan ay xaaladdu gaari karto meel halis ah.

Wariyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Adan, oo shirkaasi ka qaybgalay ayaa ka waramaya.