Muran ka dhashay go'aan ay Masar jasiirado ugu wareejin rabtay Sucuudiga
Maxkamad ku taalla dalka Masar ayaa diiday qorshe muran dhaliyay oo dowladda dalkaasi ay laba jasiiradood oo ku yaalla badda cas, ugu wareejin rabtay dalka Sacuudi Carabiya.
Xukuumadda Masar ayaa racfaan ka qaadatay xukun ay horay u ridday maxkamad darajo hoose ah, balse xukunkan cusub ayaa lagu tilmaamay mid kama dambeys ah.
Dowladda ayaa ku doodeysa in jasaaridahaasi ay waligoodba lahayd boqortooyadda Sacuudiga.
Balse tallaabada ay dib ugu celineyso ayaa waxaa ka dhashay dibed baxyo ka dhacay gudaha Masar.
Dadka ka faallooda arrimaha dalkaasi ayaa sheeagaya in go'aanka maxkamada uu sii adkeyn doono xiriirka ka dhexeeya Qaahira iyo Riyaadh, maadaama uu Sacuudiga taageero dhaqaale siiyo Masar.
Dabaaldag ayaa ka billowday maxkamadda markii uu xaakimkau sheegay in dowladdu ay ku guuldareystay inay keento caddeymo muujinayo in jasiiradahaasi markii hore uu Sucuudigu lahaa.
Heshiiska Sucuudiga loogu wareejinaya jasiiradahaasi ayaa la saxiixay bishii April ee sanadkii hore taasoo sababtay muddhaaradaayo .

Xigashada Sawirka, AFP
Madaxweyne Cabdul fataax Al Sisis ayaa sheegay in jasiiradahaasi uu Sucuudigu lahaa kana dalabday Masar inay ciidmo geyso si ay u ilaaliyaan sanaddii 1950-kii.
Balse Mr Sisi ayaa lagu eedeeyay inuu ku xadgudbay dastuurka dalkaasi iyo inuu 'iibiyay' jasiiradahaasi oo uu ku badashay balaayiin doolar oo gargaar ah oo boqor Salmaan uu ku dhawaaqay mar uu booqasho ku joogay Masar.
Sucuudiga ayaa taageero dhaqaale la garab taagnaa madaxweyne Sisis oo hormuud ah uhaa afgembigii milatari ee xukunka looga qaaday madaxweyne Maxamed Morsi sanaddii 2013-kii.

Xigashada Sawirka, AP

Xigashada Sawirka, AP

Xigashada Sawirka, EPA
Wali wax jawaab ah kama soo bixin dowladaha Sucuddiga iyo Masar oo ku aadan go'aanka maxkamadda maanta.












