Madaxda Galbeedka Afrika oo ku wajahan Gambia

Qoraalka Codka, Madaxda Galbeedka Afrika oo ku wajahan Gambia

Maanta waxaa dalka Gambia ku wajahan qaar ka mid ah madaxweynayaasha dalalka Galbeedka Afrika oo Nigeria ay hogaamineyso.

Ujeedada waxay tahay inay kala hadlaan inuu xilka isaga dego. Madaxda oo Arbacadii booqon lahaa Gambia ayaanan tagin, ka dib markii Yaxya Jammeh uu u diiday.

Asiga ayaa ka dalbaday inay maanta oo jimca ah tagaan Banjul. Sidoo kale Baarlamaanka Nigeria ayaa si aqlabiyad ah ku meel mariyay in Yaxya Jammeh la siiyo megengelyo siyaasadeed haduu xilka wareejiyo.

Hadaba maxay kala soo kulmi karaan madaxda u tageysa. Dr Abdiwahaab Shekh Cabdisamad ayaan weydiiyay