Morocco oo "mamnuucday iibinta iyo sameynta burqaha"

Morocco shaacin rasmi ah oo arrinta ku saabsan maysan sameyn

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Morocco shaacin rasmi ah oo arrinta ku saabsan maysan sameyn

Marocco waxay mamnuucday iibinta, sameynta, iyo soo dhoofsashada dharka asturan ee dumarka Muslimiinta, sida ay sheegayaan wararka dalkaasi ka imaanaya.

Warqado lagu shaaciyay arrintan ayaa la faafiyay Isniintii. Ganacsatada waxaa la siiyay 48 saacadood oo ay ku joojiyaan iibinta burqaha.

Balse ma jirto hadal rasmi ah oo dowladda ka soo baxay. Xubin ka mid ah dowladda oo aan la magacaabin ayaa laga soo xigtay in go'aanka uu yahay mid "amniga quseeyo".

Macaddo in dowladda Morocco ay si ula kac ah u mamnuuceyso dharkan sida weyn looga xirto dalkaasi.

Masuul sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ayaa warkan ku xaqiijiyay bog wararka baahiyo oo lagu magacaabo Le360.

Wuxuu sheegay, "Burcad ayaa si joogto ah u adeegsado xijaabka iyo indhashareerka, si ay u fuliyaan falal sharcidaro ah".

Burqaha oo daboolaya dhammaan wejiga iyo jirka, guud ahaan morocco lagama xirto. Dumarka badankooda waxay jecel yihiin xijaabka caadiga ah oo aanan dabooleyn wejiga.

Dumarka salafiyiinta ah iyo gobollada muxaafidka ee Waqooyiga, ayaa laga xirtaa indhashareerka.

Go'aanka wuxuu kala qeybiyay shacabka ku nool dalka Waqooyiga Afrika ku yaalla oo uu maamulo boqor Maxamed VI, kaas oo loo arko inuu yahay Muslim qunyar socod ah.

Burqaha noocaan ah caan kama aha dalka Morocco, balse waxaa lagu yaqaanaa Afghanistan

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Burqaha noocaan ah caan kama aha dalka Morocco, balse waxaa lagu yaqaanaa Afghanistan

Xammad Kabbaj, oo ah nin muxaadarooyiinka jeediya ayaa ka hor imaaday go'aankaasi, wuxuu sheegay in "xuquuqda aadanaha ee dalka Morocco ay arrintan ka soo horjeedo.

Xammad Kabbaj ayaa doorashadii baarlamaanka ee sanadkii tagay loo diiday ka dib markii lagu eedeeyay "xagjirnimo".

Nouzha Skalli, oo ah wasiirkii hore ee qoyska iyo hormarka bulshada, ayaa soo dhaweeyay mamnuucidda oo uu ku tilmaamay "tallaabo muhiim ah oo lagula dagaallamayo Muslimka xagjirka ah".