Xarun caafimaadka dhimirka oo qarax uu waxyeelleeyey
Qaraxii horraantii todobaadkan lagu weeraray hotelka Peace ee magaalada Muqdisho ayaa saamayn ku yeeshay xarun caafimaad oo lagu hayo dadka dhimirka ka xanuunsanaya oo aan halkaas ka fogayn.
Dad 100 qof ka badan oo bukaankii iyo shaqaalihii xarunta isugu jiray ayey waxyeello caafimaad ka soo gaartay weerarkaas.
Sidoo kale dhismihii xaruntaas ayey qaybo ka mid ah burbureen.
Cabdiraxmaan Cali Cawaale (xabeeb) waa madaxa xaruntaas, Faarax Lamaane ayuuna uga warramay dhibaatada soo gaartay xarunta uu madaxda ka yahay.